3 Feedh Iyo 51 Ilbidiqsi: Mucjiso Ka Timid Brazil Oo Loo Aqoonsaday Cabsida Ugu Weyn Ee Xayndaabka Feedhka

Gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa waxa lagu ballamiyey Amanda Nunes iyo Cris Cyborg si ay u ciyaaraan kulan feedh, laag iyo legdin iskugu jiray, kaaas oo daawashadiisa ay dad badan kasoo qayb-galeen, hase yeeshee markiiba waxa uu noqday mid rikoodhka dunida lagu daray, intii lacagta ka bixisayna ay garoonka ka baxeen iyagoon waxba daawanin.

Ciyaartan oo ahayd nooca loo yaqaano UFC 232, ayaa boqoradda reer Brazil ee Amanda Nunes, waxay ku kasbatay magaca cabsi-geliyaha ugu weyn, waxaanay safka hore ka gashay diiwaanka taariikhda, kaddib markii ay wax ka yar hal daqiiqo ku dhamaysay ciyaarta oo dadkii lacagta ka bixiyey aanay qaarkood salkaba dhulka dhigin.

Cris Cyborg oo la filayey inay iska celiso gabadha reer Brazil, ayaa mujciso kula kulantay 51 ibilidhqsi oo kaliya, kaddibna dhulka ku dhacday, soona nuuxsan weyday, waxaanay xambaaratay khasaare lama filaan ah.

Mucjisada Nunes, ayaa saddex feedh oo daran doori ah wejiga kaga dhufatay Cyborg isla markii ay ciyaartu bilaabantay, si duuduub ah ayaanay dhulka u gashay illaa uu garsooruhu ku dhawaaqay inay ciyaartu dhamaatayna may nuuxsanin, sidaana waxa guusha ku qaadatay Nunes.

Boqoradan reer Brazil ee rikoodhka mucjisada ah heshay, ayaa waxay hore usoo garaacday Ronda Rousey oo hadda ciyaarta Musaaricada WWE, laakiin waxa layaabku ahaa qaabka fudud ee ay dhulka ugu tuurtay Cris Cybor oo dad badan saadaalinayeen inay guuleysan doonto.