Arsenal Oo Saddex Ciyaaryahan Doonasysa Iyadoo Kula Tartamaysa Kooxo Waaweyn Ka Dib Guuldaradii Liverpool

Kooxda Arsenal ee baryahan danbe aad moodaysay in abaar dhinca ciyaartoyga ahi haysato ayaa lagu arkay suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada ee furmaya kowda bisha January iyadoo tartan adag kula jirta kooxo waaweyn kaasoo ah tartanka ciyaaryahanada ay doonayaan koox waliba.

 

 

Dhibaatada ugu wayn ee kooxda haysata ayaa ah hadii hal ama laba ciyaaryahan ay ka dhaawacmaan ma haystaan bedalkoodii ama cidii buuxin lahayd booskaa waana dhibta kaliya ee kooxda haysata

 

Unai Emery waa tababaraha kooxda Arsenal ayaa sheegay in kooxdu ay baahi wayn u qabto in la keeno ciyaaryahano laf dhabar u ah kooxda oo maanta ka saara xaaladan ay ku jirto kooxdu si ay kooxdu u hesho ugu yaraan booska afaraad, ka dib markii uu shaki galiyey xoojinta suuqa kala iibsiga balse waxa uu cadeeyey in madaxda kooxdu ay ka shaqeynayan heshiisyada mustaqbalka ciyaaryahanada.

 

Sida ay qorayaan warbaahinta dunidu ayaa waxa ay sheegayaan in kooxda Arsenal ay doonayso saddex ciyaaryahan oo aad u fiican mustaqbal wanaagsane leh iyagoo u arka in ay yihiin kuwii maanta ka saari laahaa marxaladan ay kooxdu ku jirto, hadaba saddexdan ciyaar yahan ayaa mid walba waxaa doonaya kooxo waaweyn oo magac iyo maalba haysta waana ta shakiga keentay maadaama oo Arsenal lagu yaqaanay in lagaga fiicnaa dhinaca tartanka lacagta ee ciyaaryahanada./

  1. Ciyaar yahanka koowaad ee kooxdu doonayso ayaa ah laacibka u dhashay dalka Maraykanka una ciyaara naadiga Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka waa Christian Pulisic ayaa iyaguna waxaa doonaya kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo iyagu hore iskugu haystay ayay arsenal noqotay kooxda saddexaad ee soo gasha tartanka.

Laacibkan khadka dhexe oo dadiisu tahay 20jir ayaa lacagta qandaraaaskiisa la sheegay in lagu burburin karo lacag gaadhaysa £45milyan oo gini, mulkiilaha kooxda Arsenal ayaana doonaya in laacibkan ay isku wadanka yihiin keeno Arsenal uuna bixiyo lacagtaa.

 

  1. Waa laacibka dada yar ee afikaanka ah una dhashay dalka Nigeria una ciyaara kooxda dalka spain ee Villarreal waa Samuel Chukwueze ayaa isagana waxaa doonaya kooxda Leicester City ee dalka ingiriiska iyo kooxda dalka spain ee Atletico Madrid oo iyaduna dusha kala socota horumarkiisa

19 jirkan u dhashay Nigeria ayaa bishii hore ee November ku soo biiray kooxda isagoo una dhalay afar gool ayaaa waxa uu u dhawyahay in uu heshiis u saxeexo kooxda arsenal iyadoo uu wakiilkiisu ku sugan yahay London kaasoo u jooga wada hadalada heshiiska laacibkan.

 

  1. Waa xidiga u dhashay Ivory Coast ee haysta dhalashada dalka France ee u ciyaara kooxda lille ee dalka France waa Nicolas Pepe.

Xidigan ka ciyaara garabka midig ee weerarka  ayaa kooxdiisa u dhaliyey 12gool xili ciyaareedkan isagoo sidoo kale ka caawiyey 5gool 19 kulan oo uu saftay, ayaa sheegay in uu doonayo in uu xili ciyaareedkan ku dhamaysto kooxdiisa Lille isagoo qandaraaskiisu ku eeg yahay sanadka 2022.

 

Pepe ayaa kooxda ku soo biiray bishii june 2017 isagoo xirfadiisa kubada cagta ka bilaabay Angers oo ku jirtay ligue two wuxuuna ka caawiyey in ay ku soo laabtaan legue koowaad ka hor inta aanu iman kooxda lille isagoo ugu yimid aduun lacageed oo dhan 9 milyan oo ginni imikana maantana qiimihiisu marayo 16milyan ilaa 23milyan inta u dhaxaysa.