Barcelon Oo Lacag Ku Dhaw 1 Milyan Oo Yuuro Siinaysa Ka Dib Guuldaradii Levante

Inkastoo maalmaha xiddiga reer Spain Denis Suarez ee kooxdiisa Barcelona ay hadda tirsamaan hadana xalayto wuxuu kooxdisii hore Manchester City u shaqeeyay lacag ku dhaw hal milyan kadib markii uu kasoo muuqday kulankii Levante.

Xiddiga heerka caalami wuxuu kasoo muuqday ciyaartii ay xalay kooxdiisa guuldarada la kulantay ee ka tirsanaa Copa del Rey, wuxuuna kooxdiisa ka saaciday iney hesho rigoore uu gool u badalay Philippe Coutinho.

Si kastaba, xiddigaan kulankiisii 70-aad ayuu kasoo muuqday kooxda ka dhisan Catalunya, waxeyna ka dhigan tahay in 800,000 kun yuuro lagu leeyahay kooxdiisa maadama ay heshiiskiisa ku jirtay.

Citizens waxey horay xiddigaan uga heshay 5.6 Malyan oo Yuuro maadaama 10-kii kulan walba ay ku qaadaneysay lacag dhan 800,000 kun Yuuro, waxeyna aheyd qiimo qasab ah oo lagu daray heshiiskiisa.

Guud ahaan kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola waxey xiddigaan ku heshay 7.4 Milyan oo Yuuro iyadoo 2016 adduun dhan 3.4 Milyan kaga soo qaadatay Villarreal.