Ciyaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

Ciyaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England ayaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga oo ku eedaysan inuu haweenay ku dhex kufsaday gabadh ay tareen wada raaceen bishii August ee sannadkan.

Paul Gascoigne oo usoo ciyaaray kooxaha Newcastle United, Tottenham Hospur, Lazio iyo Rangers, dhexdana uga ciyaari jiray xulka qaranka England sannadihii sagaashameeyadii ayaa xabsiga la dhigay muddo laga joogo laba bilood iyo badh xilligaas oo tareen socday uu isku dayey inuu ku dhex kufsado gabadh la saarnay, hase yeeshee farriin uu ku baahiyey xilligaas bartiisa Twitterka oo inyar kaddibna la masaxay ayaa uu ku sheegay in gabadhu ay ku gardarrootay oo ay wax ka sheegtay jidhkiisa isaguna uu u jawaabay laakiin kiiska lagu eedaynayo aanu geysanin.

Paul Gascoigne oo sannadihii u dambeeyey noloshiisa ay hadhaysay daruugo mugdi ah markii uu bilaabay cabbista khamriga iyo maandooriyeyaasha ayaa waxa shalay la hor keenay maxkamadda Peterlee Magistrates’ Court, waxanu diiday inuu sameeyey wax dembi ah.

Laacibkan oo lagu naanaysi jiray GAAZA ayaa waxa uu maxkamadda ka hor sheegay inuu hal mar taabtay jidhka gabadha la sheegayo inuu kufsaday balse wax intaa dheer aanu samaynin.

51 Jirkan ayaa mar kale la hor geyn doonaa maxkamad kale oo lagu magacaabo Teesside Crown Court marka ay taariikhdu tahay 8 January.

Gaaza waxa uu ka mid ahaa xiddigihii xulka qaranka England ee ka qayb-galay Koobkii Adduunka 1990-kii.