Garsoore Clattenburg Oo Si Ba’an U Weeraray Mohamed Salah, Kana Dalbaday Xidhiidhka FA In Ciqaab Adag La Mariiyo Xiddiga Liverpool

Garsoorihii hore ee horyaalka Premier League Mark Clattenburg ayaa si ba’an weeraray xiddiga reer  Masar ee Mohamed Salah oo uu ku eedeeyey inuu sameeyey ficilo ceeb ah oo ciyaartooyada kale ee dhiggiisa lagu ciqaabo.

Mohamed Salah ayaa kulankii Boxing Day ay la yeesheen Newcastle waxa loo qabtay rikoodhe shaki badan ka dhashay oo xilli dambena xidhiidhka FA uu go’aan ku gaaadhay inaan lagu ciqaabin, hase yeeshee garsoorihii hore ee caanka ahaa ee Clattenburg oo hadda ah guddoomiyaha garsooreyaasha dalka Sucuudiga ayaa waxa uu si adag ugu weeraray Salah rikoodhahaas, waxaanu xidhiidhka FA ka codsaday inay dib ugu laabtaan fadhigooda oo ay go’aan kale gaadhaan.

Clattenburg waxa uu ku dooday in Salah uu istuuray, ayna ahayd in la ganaaxo, garsoorihii ciyaartuna uu kaadh u taago sidii ku dhacday Harry Kane kulankii Wolves ee toddobaadkan.

“Is tuuristu mar kale ayay dhibaato ku noqotay horyaalka Premier League. Mohamed Salah laba rikoodhe oo jilicsan ayuu saddex maalmood ku helay, halka Harry Kane kaadh lagu siiyey ciyaartii Wolves. Waa in guddida anshaxa FA ay soo jeedaan marka ay soo jeedaan marka ay dhacdooyinka dib u fiirinayaan.” Sidaas ayuu yidhi garsoore Clattenburg.

“Haddii garsoore Michael Olivier uu go’aamin lahaa in Salah istuuray kulankii Arsenal, wax ciqaab ah lama marsiiyeen. Markaa waa in guddida anshaxa ay go’aamiyaan inuu istuuray, oo ganaax ku ridaan, waana sida kaliya ee FA uu si xoog leh ugu dili karo istuurista.”

Clattenburg waxa uu tilmaamay in  Hary Kane lagu siiyey kaadh istuuris uu sameeyey ciyaartii Wolves, sidoo kalena sannadkii 2012 lagu ciqaabay Sergio Aguero, ayna tahay in dariiqaas la mariyeyo Mohamed Salah.