Kumuu Ahaa Halyeygii Manchester United Ee Hoosta Joojin Waayey Shalay, Farxaddana La Wadaagay Jamaahiirta Red Devils?

Markii ay Manchester United shalay gacanta ku dhigtay guusha weyn ee 4-1 ah, waxa si buuxda ay kalsoonidu ugu soo noqotay ciyaartoyga iyo jamaahiirta oo soo yareeyey dhibcihii kaalinta shanaad ay Arsenal kaga haysay oo hadda noqday saddex, halka ay saddex ciyaarood ka hor ka ahaayeen siddeed dhibcood.

Jamaahiirta Manchester United ayaa sidii ay beryo qaar ugu damaashaadi jireen guusha, farxaddana ula wadaagi jireen xiddigahooda mar kale soo celiyey, waxaanay heeso iyo salaan iskugu dareen ciyaaryahannada saddexda guulood ee xidhiidhka ah gaadhay intii uu Mourinho shaqada banneeyey.

Taageereyaasha oo kaliya may ahayn cidda heesaha iyo farxadda soo bandhigtay, waxaase wehelinayey mid ka mid ah halyeeyadii guulaha la gaadhay Manchester United oo kaligii u heesay Pogba iyo asxaabtii kale ee wacdaraha dhigtay kulankii shalay ay ku burburiyeen Bournemouth.

Sida ka muuqatay muuqaalka daawashada ah ee hoose, halyeygii Dimitar Berbatov ayaa markii ay Manchester United 4-1 marinaysay Bournemouth, waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay muuqaal daawasho ah oo uu iska duubay isaga oo heesaya, isla markaana faraxsan.

Waxa ka mid ahaa ereyada heestii uu qaaday Berbatov:

“Waxa aanu samaynaa wixii aanu doono,

Waxaanu samaynaa wixii aanu rabno,

Waxaanu nahay Man United

Waxaanu samaynaa wixii aanu doonayno.”

Halkan ka daawo heestii Berbatov: