Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Gonzalo Higuain Uu Maanta Tijaabada Caafimaad U Marayo Chelsea? Halkee Ayuuse Aadi Doonaa Morata?

Weeraryahanka reer Argentina Gonzalo Higuain ayaa la filayaa saacado kooban kadib inuu noqdo xiddig ka tirsan Blues sida ay sheegayaan warbixinada ka imaanaya Ingiriiska, halka Alvaro Morata loo ogolaan doono inuu amaah uga baxo garoonka Stamford Bridge.

Shabakadda Marca ee laga leeyahay dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday in Gonzalo Higuain oo hada amaah ku jooga Milan uu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Blues, waxaana la filayaa in lasoo afjaro maanta arrintiisa.

Waxaa lasoo warinayaa in Blues ay dhamestiri doonto amaahda fasal ciyaareedka ah uu xiddigaan ku joogay San Siro, waxeyna ku iibsan kartaa xagaaga soo aadan hadii ay damacdo adduun dhan 32 Malyan oo Pound.

Sida lasoo wariyay Gonzalo Higuain wuxuu isbuucii ka qaadan doonaa Blues adduun dhan 140,000 kun oo Pound, 31-jirkaan ayaa jabiyay rikoorka gooldhalinta horyaalka talyaaniga hal xilli ciyaareed lagu qaado 2015-2016 markuu uu 36-gool dhaliyay isagoo ka hoos ciyaaraya Maurizio Sarri oo maamulayay Napoli.

Kooxdiisa wuxuu u dhaliyay 71-gool isagoo u saftay 94 kulan kulamada horyaalka saddex sano uu ku sugnaa koonfurta talyaaniga ka hor inta uusan 75 Malyan oo Pound ku aadin Juventsu sanadkii 2016.

Dhanka kale imaatinka Higuain wuxuu meesha ka saarayaa joogitaanka Alvaro Morata kaas oo amaah ku aadi doona Sevilla inta ka dhiman fasalkaan.