Maxay Sameeyeen Taageereyaashii Xalay Lagu Xidhay Garoonka Wembley Ka Hor Ciyaartii Tottenham Iyo Chelsea?

Ciidanka ammaanka ee magaalada London ayaa qabtay saddex nin oo ay jeelka u taxaabeen ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii xalay dhex martay Tottenham iyo Chelsea ee ka dhacday garoonka Wembley.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay saddex nin oo ay da’doodu u dhexayso 17 jir, 20 jir iyo 23 jir waqti ay ciyaarta ka hadhsanayd 20 daqiiqadood oo kaliya, waxaanay mar kale ku dareen nin afraad oo lagu sheegay inuu yahay 30 jir, kuwaas oo dhamaantood la geeyey saldhig boolis.

Ciidanka booliska ee Metropolitan Police ayaa waxay sheegeen in saldhig ku yaalla woqooyiga magaalada London loo qaaday afar nin oo laga qabtay garoonka Wembley fiidnimadii Salaasada oo ahayd waxyar ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartu.

Saddexda qof ee la hor qabtay ayaa waxa la sheegay inay samaynayeen rabshad, laakiin midka afraad ayaa maandooriyeyaal garoonka la yimid.

Tottenham iyo Chelsea oo ka wada dhisan London ayaa waxay ciyaarta ka hor ka codsadeen taageereyaashooda inay ka taxadaraan hab-dhaqan qaldan.

Ciidanku si dhab ah umay sheegin falqaladalada ay sameeyeen taageereyaasha la xidhay iyo weliba midka ay taageerayeen Tottenham iyo Chelsea, hase yeeshee dhacdadan ayaa timid maalmo kooban kaddib markii taageere Chelsea ah lagu ganaaxay lacag dhan £965 iyo in aanu imanin garoomada muddo saddex sannadood iyadoo lagu helay inuu ku dhawaaqay ereyo nacayb muujinaya.

Bishii hore, Chelsea ayaa garoomada ka mamnuucday afar taageereyaashooda, waxaana la baadhayaa fal kale oo lagula kacay weeraryahanka Manchester City ee Raheem Sterling.

Waxa kale oo bishii December lagu dhalleeceeyey Chelsea aflagaado ay taageereyaasheedu u geysteen dadka Yuhuudda ah xilli ay socotay ciyaar ka tirsan Europa League oo waddanka Hungry ay kula yeelatay naadiga MOL Vidi.