Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu gool caaqibo leh ka dhaliyay Tottenham kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub ee Champions League.

Xiddiga reer France waxaa lala xiriirinayaa inuu bisha January isaga tagayo Barcelona maadaama uu ku fashilmay inuu guto qaar ka mid ah waxyaabaha aas-aasiga ah shaqada kooxda, balse wali fursad ayuu ka helaa macalinkiisa Ernesto Valverde.

Kulankii xalay ka dhacay garoonka Camp Nou wuxuu ka ahaa shumac maadaama uu daqiiqadahii ugu horreeyay shabaqa soo taabtay, qalad uu galay Kyle Walker-Peters ayuu ka faa’ideystay, saddex gool ayuuna dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo dhan.

Si kastaba Arsenal waxey ka mid tahay kooxaha xiiseynaya iyadoo Aubameyang uu doonayo inuu xiddigaan garabkiisa ka ciyaaro maadaama ay horyaalka Bundesliga wakhti kasoo wada ciyaareen, kadib kulanki xalay ayuuna fariin u dhigay Twitter-ka.

“Woah – kan iga yar, waxaa tahay mid xoogan, waana cajiib” ayuu kusoo qoray barta twitter-ka, balse durba waxaa u jawaabay halyeeyga Gunners Ian Wright kaas oo sawir dhaq-dhaqaaqaya ugu jawaab celiyay.

“Waa Immisa”

Xiddiga reer Gabon isna waa kasoo falceliyay, wuxuuna kaliya soo qoray qosol – isagoo u muuqday mid kaftan u qaatay su’aasha Ian Wright oo qudhiisa u muuqday mid ku qanacsan hadiy ay kooxdiisii hore soo hesho Dembele.