RASMI: Jose Mourinho Oo Shaqadiisii Ugu Horreysay Bilaabay Kaddib Manchester United, Mana Aha Middii La Filayey Ee Real Madrid

Jose Mourinho ayaa bilaabay shaqadiisii ugu horreysay tan iyo markii laga caydhiyey Manchester United bishii hore.

Tababaraha reer Portugal oo lala xidhiidhinayey kooxo badan oo ay ku jirto Real Madrid, sidoo kalena gaashaanka ku dhufto shaqo ay ugu yeedhay kooxda Benfica, ayaa waxa uu kasoo muuqday telefishanka beIN Sports ee fadhigiisu yahay dalka Qatar, kaas oo si toos ah u tebiya ciyaaraha Asian Cup.

Mourinho oo ay da’diisu tahay 55 jir ayaa waxay wararku sheegayaan inuu xidhiidh dhex maray madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez oo doonaya inuu Solari ka beddelo shaqada, kaddib kulamadii u dambeeyey ee natiijooyinka niyad-jabka ah ay ka keeneen, laakiin dhinaca kale, Manchester United ayaa caqabad ku noqonaysa inuu heshiis xilligan la geli karo Real Madrid maadama aanay weli ku kala ambobixin qandaraaskii uu Red Devils kula jiray, sidoo kalena aanu weli helin magdhowga erigiisii.

Arrintaas oo jira ayaa waxa lagu war helay Jose Mourinho oo shaqo cusub bilaabay, laakiin markan way ka duwan tahay middii lagu yaqaanay, waxaanu ka hawlgelayaa telefishanka beIN Sports oo uu falanqeeye ciyaareed ka ahaanayo inta uu socdo tartanka Asia Cup oo lagu qabtay waddanka Imaaraadka Carabta, isla markaana dhamaan doona horraanta bisha February.

Inkasta oo aan lasoo bandhigin heshiiska Mourinho iyo telefishanka beIN Sports, haddana waxa uu telefishanka la shaqayn doonaa illaa dhamaadka tartanka oo magaalada Abu Dhabi lagu soo gunaanadi doono February 1.