RASMI: Maamulka Premier League Oo Shaaciyey Garsooreyaasha Kulamada 22aad Iyo Jamaahiirta Manchester United Oo Guul-darro Niyadda Gashaday

Maamulka horyaalka Premier League ayaa soo saaray garsooreyaasha dhexdhexaadin doona kulamada usbuuca 22aad oo ay kooxuhu ciyaari doonaan maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta.

Sabtida ayaa waxa dhici doona toddoba kulan oo ay ku jiraan ciyaaraha natiijadooda aadka loo sugayo ee Liverpool iyo Arsenal martida ugu noqonayaan Brighton iyo West Ham United, iyo imtixaanka ay Chelsea garoonkeeda Stamford Bridge ku mari doonto marka ay ku qaabisho Newcastle United, laakiin ciyaarta ugu adag usbuuca 22aad ayaa waxay Axadda garoonka Wembley ku dhex mari doontaa Tottenham oo kaalinta saddexaad ee horyaalka ku jirta iyo Manchester United oo dib usoo noolaatay intii uu xilka qabtay tababare Solskjaer.

Isniinta waxa qabsoomi doona hal kulan oo kaliya oo ay Manchester City ku martigelin doonto Wolves.

Ciyaarta ugu soo horreysa ee West Ham vs Arsenal ayaa waxa qaban doona Jonathan Moss oo ay caawin Doonaan Marc Perry iyo Andy Halliday, garsooraha afraadna uu u noqon doono Stuart Attwell, laakiin Liverpool oo hoggaanka horyaalka afar dhibcood ku haysa ayaa waxay u tegaysaa Brighton, waxaana dhexdhexaadin doona garsoore Kevin Friend oo ay dhinacyada u taagnaan doonaan Siman Long iyo Richard West halka uu garsooraha afraadna noqonayo Roger East.

Chelsea oo Newcastle ku qaabilaysa Stamford Bridge ayaa waxa kulankeeda hayn doonta Chris Kavanagh oo ay dhinacyada u taagan yhiin Daniel Cook iyo Sian Massey-Ellis, laakiin garsooraha afraadna uu yahay Craig Pawson.

Markii lasoo saaray liiska garsooreyaasha toddobaadka ayaa waxa niyad jab muujiyey jamaahiirta Manchester United oo isla markii ay indhaha ku dhufteen in Mike Dean uu haynayo ciyaarta ay Wembley ugu tegayaan Tottenham, niyadda sii gashaday inay guul-darradoodii ugu horreysay la kulmayaan intii uu xilka hayey Solskjaer.

Sababta ay jamaahiirta Manchester United quusta u istaageeen ayaa ah in kulamadii ugu dambeeyey ee uu Mike Dean hayey aanay natiijo wanaagsan ka keenin, sidoo kalena ku eedeeyey inuu u xagliyo Tottenham oo uu taageero.

Sannadkii 2015 ayaa lagu eedeeyey Mike Dean inuu u dabbaal-degay gool Spurs uu u dhaliyey Mousa Dembele ciyaar ay garoonka White Hart Lane kula yeesheen Aston Villa, sidoo kalena gool sannadkii 2012 uu Tottenham u dhaliyey Emmanuel Adebayor oo Arsenal ka dhaliyey ayaa uu u muuqday mid u dabbaal-degay.

Dean oo lagu yaqaano inuu taageere u yahay kooxda yar ee heerka saddexaad ee Tranmere Roveers, ayaanay eedaymahaas iyo u xaglinta Tottenham ka hor istaagin inuu kusoo baxo garsooraha ciyaarta Manchester United ay martida ugu noqonayso Spurs garoonka qaranka ee Wembley.

Garsooreyaasha kulamada 22aad oo dhamaystiran

West Ham United v Arsenal – Garoore  Jonathan Moss
Brighton v Liverpool – Garsoore Kevin Friend

Burnley v Fulham – Garsoore Martin Atkinson

Cardiff v Huddersfield Town – Garsoore Lee Mason

Crystal Palace v Watford – Garsoore Paul Tierney

Leicester v Southampton – Garsoore Michael Oliver

Kulamada Axadda

Everton v AFC Bournemouth – Garoore Anthony Taylor

Tottenham Hotspur v Manchester United – Garsoore Mike Dean

Kulanka Isniinta

Manchester City vs Wolves – Garsoore Craig Pawson.