RASMI: Marcelo, Thibaut Courtios Iyo Raphael Varane Oo La Saaray Liiska Kooxda Real Madrid

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa soo saaray liiska ciyaartoyahannada kooxdiisa ee kualanka caawa ee Copa del Rey ay kaga hor tegayaan Leganes.

Tababare Santiago Solari ayaa ku dhawaaqay liiska 19ka ciyaaryahan ee Real Madrid kala hor tegayso Leganes, waxaana uu ka saaray Marcelo oo jamaahiirta Real Madrid ku ooriyeen intii ay socotay ciyaartii Axaddii ay Real Sociedad ku garaacday, waxaana sidoo kael maqan goolhaye Thibaut Courtios iyo difaaca Raphael Varane.

Liiskan waxa kale oo ka maqan Toni Kroos, Gareth Bale iyo Marcos Llorente oo dhamaantood dhaawac ah, waxaase lagu soo daray oo kulankiisii koowaad ciyaari doona Brahim Diaz oo Isniintii Real Madrid ay kusoo bandhigtay garoonka Santiago Bernabeu, kaddib markii dhamaystirtay heshiis ay kagala soo wareegtay Manchester City.

Da’yarka Cristo ayaa sidoo kale ku jira kooxda uu tababare Solari u diyaarsaday ciyaarta caawa, waxaana goolka kusoo laaban doona goolhaye Keylor Navas oo uu u fadhiyi doono Luca Zidane.

Kooxda oo dhamaystiran:

Goolka: Keylor Navas, Casilla & Luca Zidane

Difaaca: Sergio Ramos,Carvajal, Vallejo, Nacho, Odriozola iyo Reguilon

Dhexda: Modric, Casemiro, Valverde, Brahim, Isco iyo Dani Ceballos

Weerarka: Benzema, Lucas Vazquez, Cristo iyo Vinicius Junior.