RASMI: Real Madrid Toddobaad Gudihii Ku Dhawaaqday Saxeexa Ciyaartoygii Labaad Ee Ay Heshiis La Gasho

Real Madrid ayaa dhamaystirtay saxeexa ciyaartoygii labaad ee usbuuc gudihii kusoo biira, waxaanay warbaahinta usoo bandhigtay difaaca Jose Lopez Martinez oo loo yaqaano Chechu.

CHECHU MARTINEZ

Real Madrid ayaa Chechu kala soo wareegtay kooxda Malaga, waana da’yar ka ciyaari kara difaaca dhexe iyo baasha bidix.

Chechu oo ka mid ah xulka qaranka Spain ee ay da’doodu ka hoosayso 17 jirka ayaa waxa uu Arbacadii gaadhay garoonka Santiago Bernabeu oo uu ku daawaday ciyaartii Copa del Rey ee Los Blancos ay 3-0 ku garaacday Leganes, waxaana uu ku sugnaa Madrid illaa Khamiistii oo la dhamaystirayey qorista heshiiska iyo dhamaystirka wada-xaajoodka ka hor intii aanu qalinka ku duugin.

Chechu oo ku dhashay magaalada Murcia ayaa u ciyaaray kooxda ku ciyaarta magaca magaaladaas oo uu kasoo baxay kulliyaddeeda, kaddib waxa uu uga wreegay Valencia oo uu usii dhaafay Malaga.

Heshiiska uu Chechu ugu wareegay Real Madrid ayaa waxa qayb ka ah laacibka Dani Sanchez oo tegaya Malaga kuna sugnaan doona afar sannadood ka hor inta aanu kusoo laabanin Real Madrid.

Chechu ayaa noqonaya ciyaartoygii labaad ee toddobaad gudihii ay Real Madrid heshiis la gasho, waxaana ka horreeyey Brahim Diaz oo ay kala soo wareegtay Manchester City.