RASMI: Sevilla Oo Ku Dhawaaqay Inay Heshiis Afar Sannadood Ah La Gashay Weeraryahan Diiday Inuu Qandaraaska U Kordhiyo Barcelona

Kooxda kubadda cagta Sevilla ayaa heshiis la gaadhay weeraryahanka Barcelon ee Munir El Haddadi, kaas oo diiday inuu ogolaado laba dalab oo ay Blaugrana usoo bandhigtay.

23 jirkan asal ahaan kasoo jeeda waddanka Morocco ayaa waxa uu tijaabada caafimaadka u marayaa Sevilla, kaddibna waxa uu qalinka ku duugi doonaa heshiis afar sannadood ah.

Sevilla ayaa siin doonta Barcelona lacag dhan 1 milyan oo Euro, taas oo ka dhigan inay ku qasbanaatay inay xaraashto inta aanu si xor ah uga tegin dhamaadka xili ciyaareedka oo uu heshiiskiisu dhacayo.

Marka uu ka gudbo baadhista caafimaadka, waxa uu noqon doonaa laacibkii labaad ee Sevilla ay heshiis la gasho bishan January, waxaana ka horreeyey difaacyahanka Maximilian Wober oo ay kasoo iibsatay Ajax.

Munir oo ay xiisaynaysay kooxda Atletico Madrid ayaa waxa uu doortay Sevilla oo uu ku qancay inuu boos joogto ah ka helayo.