Saadaasha Khabiir Paul Merson Ee Kulamada Premier League Toddobaadka 22-aad, Muxuu U Rajeeyay Ole Solskjaer Oo Tijaabadii Ugu Horreysay Ee Dhab Ah Wembley Stadium Ku Booqanaya Tottenham.

Khabiirka kubadda cagta Ingiriiska gaar ahaan kanaalka Sky Sports ee Paul Merson ayaa kaddib toddobaad nasasho ah sidii caadada ahayd kusoo laabtay miiska saadaalinta kulamada horyaalka Premier League oo toddobaadkani yahay midkiisii 22-aad.

Toddobaadkan ayaa noqon doona mid xiiso badan, Waxa il gaar ah lagu hayn doonaa haddii ay wax iska badalaan loolanka horyaalka ee Liverpool, Man City iyo Tottenham ka dhexeeya iyo haddiiba uu Ole Gunnar Solskjaer ka gudbo tijaabadii ugu horreysay ee dhab ah.

Aan ku horaynee, Arsenal ayaa booqan doonta London Stadium iyo kooxda West Ham United, Kulankaas ayaa ah mid uu Merson bar-bardhac u saadaaliyay kooxdiisii hore waana natiijo haddii ay rumawdo dhaawac ku noqon doonta hammiga afarta sarre ee Gunners.

Manchester City oo kulankii ugu dambeeyay ee ay horyaalka ka ciyaartay guul ka gaadhay Liverpool ayuu guul kale u rajeeyay Merson isaga oo aaminsan inay dhaafi doonto kooxda Wolves oo xilli ciyaareedkan kooxaha waaweyn dhibaato ku haysa.

Si lamid ah Man City, Paul Merson waxa uu guul siiyay kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool oo booqan doonta Brighton, Saadaashan ayaa la micno ah in aysan waxba iska bedeli doonin farqiga labada kaalmood ee ugu sarreeya.

Dhinaca kale, Waxa uu khabiirka Sky guul ay u rafaadi doonto u rajeeyay Chelsea iyo tababaraheeda Maurizio Sarri oo soo dhawayn doona Newcastle United, Natiijada uu Merson kulankan ku saadaaliyay ayaau muuqata mid uu ka tix raacay goolal yaraanta Blues ee xilli ciyaareedkan.

Ugu dambayn, Merson oo saadaalinaya kulanka ugu weyn toddobaadkan ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in labada dhinac ay bar-bardhac ku dhammaysan doonaan oo ay dhibcaha ku heshiin doonaan.

Halkan Kaga Boggo Saadaasha Merson Ee Kulamada 22-aad Oo Dhammaystiran.

West Ham United 2-2 Arsenal

Everton 2-1 Bournemouth

Manchester City 3-1 Wolves

Burnley 2-0 Fulham

Cardiff 0-1 Huddersfiled

Brighton 1-3 Liverpool

Crystal Palace 1-0 Watford

Leicester City 1-0 Southampton

Chelsea 1-0 Newcastle United

Tottenham 2-2 Manchester United.