Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha Mark Lawrenson Ee Kulamada 22aad Ee Premier League – Liverpool Oo Niyad-jab La Kulmi Doonta Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Kulanka Tottenham vs Man United

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa kooxuhu ay yeelanayaan kulamadoodii 22aad iyagoo kasoo laabtay usbuuc ay ku maqnaayeen FA Cup, waxaana qorshaysan kulamo waaweyn oo imtixaanka ugu adag uu sugayo tababaraha ku-meelgaadhka ah ee Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer oo ka hor tegaya Tottenham.

Liverpool oo hoggaanka Premier League afar dhibcood ku haysa ayaa waxay guul-darro lama filaan ah kala kulantay tartanka FA Cup oo ay kasoo reebtay kooxda Wolves, laakiin waxay Sabtida marti u noqonaysaa Brighton iyadoo ogsoon in laba guul-darro oo xidhiidh ah ay soo qaadatay, sidoo kalena ay kusoo dhowaatay Manchester City oo afar dhibcood oo kali ahi u dhexeeyaan, waxaana uu kulankan u noqon doonaa mid aanay waxba la hadhi doonin si ay booskeeda usii xajisato.

Manchester City oo labaad ku jirta ayaa Isniinta garoonkeeda ku qaabili doonta Wolves oo hore uga soo adkaatay Chelsea, isla markaana Liverpool kasoo reebtay Premier League, halka Tottenham oo saddexaad ku jirtaa ay garoonka qaranka ee Wembley kula ciyaari doonto Manchester United.

Haddaba khabiirka ciyaaraha ee BBC Sports, Mark Lawrenson oo toddobaad kasta saadaaliya kulamada horyaalka, ayaa waxa uu saadaashiisa usbuucan ku sheegay in Liverpool ay la kulmi doonto niyad jab kale oo ah barbarro ay Brighton ku qaban doonto, waxaase uu naxdinta ugu weyn ku riday Manchester United oo uu guul-darro u tilmaamay, halka Arsenal, Manchester City iyo Chelsea uu guulo farxad leh u sheegay.

Saadaasha khabiirka oo dhamaystiran:

Kulamada Sabtida

West Ham vs Arsenal – 1-2

Brighton vs Liverpool 1-1

Burnley vs Fuham 2-0

Cardiff vs Huddersfield 2-0

Crystal Palace vs Watford 1-2

Leicester City vs Southampton 2-0

Chelsea vs Newcastle 2-0

Kulamada Axadda

Everton vs Bournemouth 2-1

Tottenham vs Manchester United 2-1

Kulanka Isniinta

Manchester City vs Wolves 3-0