Sababta Mesut Ozil Looga Reebay Ciyaartii Maanta Ee West Ham Ay Guushu Ku Raacday?

Laacibka Kubad sameeyaha ah ee ka fadhiistay qaranka Jarmalka Mesut Ozil ayaa gabi ahaan laga reebay safaka ay kooxdiisa kaga hortageyso West Ham, labada kooxood ee ka wada dhisan magaalada London ee galabta ku wada ciyaaray London Stadium taasoo kooxda west ham ay ku badisay 1:0 kulankan oo ka tirsan horyaalka Premier League.

Xiddigii hore Real Madrid ayaa dhaawac dhanka jilibka ah ku waayay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeysay, balse si layaab leh ayaa looga reebay 18-ka xiddig ee maanta ka qayb galay kulankii arsenal lagaga badiyey isagoo waliba aan lagu soo darin xataa kursiga keydka.

Waxaa lasoo wariyay in Mesut Ozil uu taam buuxa u ahaa inuu ciyaaro kulanka galabta, balse looga reebay kooxda sababo dhanka xeeladda ciyaarta ah, balse jamaahiirta Gunners waxey heleen war fiican maadaama Nacho Monreal iyo Hector Bellerin ay dib ugu soo laabteen kooxda.

Labadaan difaac ee u dhashay wadanka Spain ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kooxda kaga maqnaa arrimo dhaawac, balse kursiga keydka ayey ku midoobeen.

Si kastaba go’aanka tababare Unai Emery uu kooxdiisa kaga saaray Mesut Ozil ayaa sii xumeynaya xiriirka labadooda ka dhaxeeya, waxaana la xasuustaa bilahii ugu dambeeyay sanadkii hore uu sidaas oo kale arrimo xeeladda ah kaga saaray kulan ay wajahayeen Bournemouth.

Ozil waa xiddiga ugu mushaarka badan Gunners, balse uma muuqdo mid ku faraxsan inuu ka hoos ciyaaro Emery oo 22-sano kadib bilowgii fasalkaan shaqada kooxda ka badalay Arsene Wenger.