Suuqa Kala Iibsiga Ciyaaryahanada Adduunka Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Ay Warbaahintu Ka Qoreen

Chelsea ayaa iska diiday dalab kaga yimid Barcelona oo ku aadan weeraryahankooda reer Brazil Willian 30-jir heshiis uu weliba qeyb ka yahay xiddiga dhalasho wadaaga la ah ee Malcom 21-jir kaa oo dhanka kale u weecanaya. (Telegraph)

Chelsea ayaa wada hadalo ay amaah kula soo wareegaysa Gonzalo Higuain inta ka hadhsan xiliciyaareedkan, inkastoo ay Juventus doonayso in laacibkan reer argentina ay iska iibiso.(Telegraph)

Xiddiga reer England ee garabka kaga ciyaara Borussia Dortmund Jadon Sancho, 18-jir ayaa doonaya inuu la sii joogo kooxda reer Germany iyadoo ay jirto warar la xiriirinaya inuu dib ugu soo laabanayo Premier League. (Mail)

Everton ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo xiiseynaya saxiixa weeraryahanka reer Belgium ee kooxda Chelsea Michy Batshuayi kaddib markii la soo yareeyay heshiiska amaahda uu 25-jirka ku joogay Valencia.(Telegraph)

Chelsea Nicolo Barella ayaa doonaya inuu iska diido inuu bishan u dhaqaaqo Stamford Bridge, Maurizio Sarri ayaa diyaarinayay inuu 45-milyan ku soo iibsado 21-jirka khadka dhexe Cagliari. (Tutto Mercato)

Xiddiga khadka dhexe reer Spain iyo Manchester United Juan Mata, 30-jir ayaa sheegay inuusan garaneyn halka uu yaalo mustaqbalkiisa iyadoo qandaraaskiisa Old Trafford uu dhici doono suuqa xagaaga. (AS)

Madaxwaynaha Benfica Luis Filipe Vieira ayaa doonaya in macalinkii hore ee Manchester United Jose Mourinho uu kala  hadlo inuu dib ugu soo laabto dhulkiisa hooyo si uu kooxda tababare ugu noqdo, Yeelkeede, Mourinho ayaa meesha ka saaray inuu dib ugu laabanayo Portugal. (Correia de Manha)

Real Madrid ayaa weli xiiso u qabta inay tababaraheeda hore ee Mourinho ay keento Bernabeu, laakiin Manchester United ayaa 10-milyan waydiisan doonta kooxda reer Spain haddii ay doonayaan inay dib u shaqaaleysiyaan Jose. (Sun)

Tottenham ayaa dooneysa inay la soo wareegto xiddiga khadka dhexe reer Austria iyo kooxda Hoffenheim Florian Grillitsch, 23. (Sky Sports)

Daafaca reer Spain ee garabka bidix kaga ciyaara Liverpool Alberto Moreno, 26-jir ayaa u sheegay Reds in uuna dooneyn inuu qandaraaskiisa cusbooneysiyo isla markaana uu doonayo inuu dib ugu laabto La Liga.

Chelsea ayaa wada hadalo hor dhac ah kula jirta naadiga Zenit kaa oo ku aadan xiddiga khadka dhexe reer Argentina Leandro Paredes, 24-jir. (Sportitalia)