TAARIIK CUSUB: Saddex Kulan Kaddib Bixistii Mourinho, Paul Pogba Oo Sameeyey Taariikh Muddo Dheer Ay Raadinaysay Manchester United

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba ayaa galay jewi ciyaareed oo wanaagsan tan iyo markii shaqada laga caydhiyey tababarihii ay isla dhibaatoodeen ee Jose Mourinho, kaas oo ku ciqaabay eedayn uu warbaahinta horteeda uga jeediyo iyo inuu kursiga kaydka fadhiisiyo.

Pogba ayaa noqday hoggaamiyaha Manchester United intii uu Ole Gunnar Solskjaer joogay oo ah kaliya saddex kulan, waxaana uu dhaliyey shan gool, isagoo sameeyey caawintii ugu badnayd ee horyaalka ee kulamadii saddexda ahaa ee u dambeeyey.

Bandhig ciyaareedkiisii cajiibka ahaa ee uu xalay ku qabsaday indhaha jamaahiirta United, isla markaana uu isku muujiyey inuu ahaa xiddig uu lugta hayey Mourinho, sidoo kalena laba gool ka dhaliyey ciyaartii usbuucii hore ee Huddersfield Town, ayaa waxa uu dhigay taariikh ay Manchester United raadinaysay tan iyo sannadkii 2012.

Sida uu baahiyey xog ururiyaha Opta, Pogba waxa uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee laba kulan oo xidhiidh ah u dhaliya Manchester United tan iyo 2012 markaas oo uu Wayne Rooney sidan oo kale sameeyey.

Rikoodhkan lixda sannadood ka maqnaa Manchester United, ayaa waxa uu niyad weyn wanaagsan ku abuuray tababare Solskjaer iyo taageereyaasha, waxaana ay si weyn ugu amaaneen laacibka reer France qaab ciyaareedka wanaagsan iyo daal la’aanta uu gool illaa gool soconayo isaga oo aan nasanaynin.

Saddexda ciiyaarood ee uu Solskjaer hoggaaminayey United, waxay awood u yeelatay inay dhaliso 11 gool, sida ka muuqatay kulamadaas oo ay ku burburisay Cardiff City, Huddersfield Town iyo Bournemouth, uma eka mid dib ugu laaban karta maalmihii madoobaa ee ay ku jirtay labadii sannadood iyo badhka uu Jose Mourinho la joogay.