Weli Waan Amusanahay Oon Shaqo Badanahay – Vinicius Junior Oo Afka Furtay Kaddib Ciyaartii Xalay Ay Real Madrid Kusoo Laabatay Jidka Guusha

Xiddiga da’da yar ee kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa xalay ka caawiyey kooxdiisa inay kusoo laabato jidka guusha kaddib laba kulan oo isku xigay oo barbarro iyo khasaare ahaa.

Vinicius ayaa dhaliyey goolkii ugu dambeeyey ee 3-0 ay Los Blancos ku dardartay Leganes oo ay garoonka Santiago Bernabeu ku kulmeen lugta koowaad ee tartanka Copa del Rey, kaas oo culayska ka dejiyey tababare Santiago Solari.

Vinicus ayaa kubbad uu Odriozola dhinaca midig kasoo qaaday si qurux badan u dhex dhigay shabaqa Lenganes, waxaanu sameeyey dabbaal-deg, isagoo ahaa laacibka ugu saamaynta badan kooxda ee kulankan.

18 jirkan reer Brazil oo ciyaartii khasaaraha ee Real Sociedad ay Bernabeu kaga adkaatay 2-0 Axaddii laga diiday rikoodhe uu ka dhashay khilaaf, sidoo kalena ahaa xiddiga ugu firfircoonaa kooxdiisa, ayaa mar kale sameeyey qaab ciyaareed wanaagsan oo uu kusoo afjaray gool qurux badan.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa waxa uu laacibkan da’da yar uu bartiisa Twitterka kaga falceliyey guusha farxadda leh ee ay gaadheen iyo bandhiggiisii, waxaanu ku dooday in aanu weli soo bandhigin ciyaar wanaagsan.

“Weli waan aamusanahay, si adagna waan u shaqanayaa, mar walbana waan isbeddelayaa.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay goolka iyo inaan caawiyey kooxda, mahad oo dhanna Allah ayaa iska leh.” Ayuu ku daray.

Vinicius Jr oo xagaagii kusoo biiray Real Madrid ayaa waxa uu rajaynayaa inuu sii wado bandhigga wanaagsan si uu u noqdo hoggaamiyaha kooxda, isla markaana uu uga saaro dhibaatada goolal la’aanta ah ee ku habsatay tan iyo bixistii Cristiano Ronaldo.