XOG: Shan Laacib Oo Usoo Wada Ciyaaray Arsenal & Juventus Iyo Halka Uu Aaron Ramsey Ka Geli Doono Silsiladda Xidhiidhsanayd Illaa 1999-kii

3 Stephan Lichtsteiner

34 jirkan difaaca midig ka ciyaara, waxa uu Arsenal la kowsaday bilowga xili ciyaareedka 2018-19 isaga oo u buuxiyey booska Hector Bellerin oo dhaawac dibedda dhigay inta badan kulamadii kooxda. Ka hor musiibada dhaawacyada Gunners, ruug caddaaga Lichtsteiner waxa ku adkaatay inuu boos joogto ah helo, laakiin qalalaasaha dhaawaca ayaa fursad u siiyey inuu illaa hadda nasiib u yeesho inuu 17 ciyaarood u safto.

Ka hor intii aanu Arsenal imanin, waxa uu ahaa laacib guulo badan lasoo gaadhay Juventus oo uu u ciyaarayey 2011 illaa 2018, taas oo uu u saftay 257 kulan oo uu u dhaliyey 15 gool, waxaanu la qaaday toddoba horyaal oo xidhiidh ah. Waxa uu ka mid ahaa kooxdii Juventus ee kaalinta labaad ka gashay tartanka Champions League 2014 iyo 2016.

Lichtsteiner waa ciyaartoy orod badan, diyaarsan oo meel kasta oo difaaca laga ciyaarsiin karo inkasta oo uu midigta kusoo baxo, waxaana xirfaddiisa iyo buuggiisa taariikhda uu ku darsaday inuu ka mid noqday xiddigaha Arsenal iyo Juventus ba u wada ciyaaray.