XOG: Shan Laacib Oo Usoo Wada Ciyaaray Arsenal & Juventus Iyo Halka Uu Aaron Ramsey Ka Geli Doono Silsiladda Xidhiidhsanayd Illaa 1999-kii

4 Wojciech Szczesny

Goolhaye Szczesny waxa uu u dhahsay waddanka Poland, waxaanu Arsenal u ciyaarayey muddadii u dhaxaysay 2009 illaa 2017, waxaanu muddo dheer kaydka u fadhiyey goolhayihii reer Germany ee Jens Lehmann.

Kaliya waxa uu awood u yeeshay inuu noqdo goolhayaha koowaad ee Arsenal ee tartanka FA Cup oo uu kula guuleystay 2013 iyo 2014, waxaana uu waayey boos rasmi ah oo kooxda oo dhan ah, waxaana isku geyn uu u saftay 153 kulan.

Markii uu ogaaday in aanu sinaba fursad uga helaynin Arsenal, waxa uu amaah ugu tegay Roma oo uu u ciyaaray sannadihii u dhexeeyey 2015 illaa 2017, waxaana uu ugu dambayn heshiis rasmi ah ugu biiray Juventus xagaagii 2017 oo uu hadda yahay goolhayaha koowaad ee kulan kasta difaaca kooxda guulaha la saaxiibka ah ee Old Lady.

28 jirkan waxa uu nasiib u yeeshay in xili ciyaareedkiisii koowaad uu kula guuleysto Juventus horyaalka Serie A, waxaanu sannadkan rajaynayaa inuu ku ceshado mar kale isaga oo dhex taagan labada  birood ee ay waardiyaha ka yihiin difaaca dunida ugu fiican sida Chiellini iyo Bonucci.